Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay saaka Alshabaab ku qaaday degaanka Xawaadley ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo qasaare xoog leh uu dhaliyey.
Weerarka oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa saaka aroortii ka dhacay Tuulada Xawaadley, degmada Balcad, waxaana saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi lasoo weriyey in dhowr jiho ay Alshabaab ka werarreeen, kadib qaraxyo is-miidaamin ah oo is-daba joog ahaa.
Dagaal culus oo socday in ka badan saacad ayey dadka degaanka sheegeen inuu saldhigga ciidamada dowladda ee Xawaadley, waxaana lasoo weriyey inay qasaare xoog leh gaarsiiyeen saldihigga, gaadiid dagaal iyo ciidamadii ku sugnaa.
Waxaa la xaqiijiyey inay weerarka ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo waxaana dadka ku dhintay ka mida taliyahii Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey). Taliyaha ciidmada xoogga dalka ayaa sheega inay dhinacooda ka dhinteen 5 askari.
Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63 askari. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay Alshabaab gubeen gaadiid dagaal, kuwii saadka iyo xaruntii ciidamada dowladda Xawaadley, balse ay weli ku sugan yihiin ciidamada dowladda.
Dhowaan ayey ahayd markii duqeyn ka dhacay duqeyn ka dhacday Xawaadley lagu dilay tobanaan ka mida Alshabaab oo la sheegay inay qorsheynayeen weerar, balse mar kale waxaa u suuragshay inay weerar kale soo abaabulaan.