Waxaa kacsan xaaladad magaalada Kismayo oo weerar isugu jira qarax is-miidaamin ah iyo weerar toos ah lagu qaaday Hotelka caanka ah ee Cas-caseey oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.
Waxaa dhacaya rasaas, waxaana la sheegay in dabley ka tirsan Alshabaab oo gudaha u galay Hotelka ay la dagaalamayaan ciidamada amniga maamulka Jubbaland, iyadoo weerarku ku bilowday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray iridka laga galo hotelka.
Hotelkan oo dhowaan loo bixiyey Medina ayaa waxaa degenaa, dad isugu jira Qurbajoog, xildhibaanno iyo musharixiinta Jubbaland, waxaana weli la shaacin qasaaraha weerarka oo weli socda, iyadoo Alshabaab ay sheegtay mas’uuliyadda weerarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Kismaayo.
Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya inuu weerarka ku dhintay senator Axmed Xaashi, iyadoo la xaqiijiyey inuusan ku sugneyn hotelka uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay Hotelka kasoo badbaadiyeen xildhibaanno masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ka mida xildhibaan Caana-nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto, waxaana weli socda howlgalka amniga.
Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen
Warar kale ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu ka mid yahay weriye ka howlgala magaalada Kismaayo oo u shaqeyn jiray SBC TV iyo Radio Ergo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo laguna magacaabo Maxamed Cumar Sahal [Gacmo Dheere].


