Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN: Weriyeyaal ku dhaawacmay Qarixii Beledweyne & Wararkii ugu danbeeyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday duhurtii maanta Maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qof is-miidaamiye ah ayaa galay maqaayad ay ka buuxaan dad shacab ah oo ku taalla ka horjeedka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, isagoo goobtaasi isku qarxiyay, waxaana halkaasi ka dhacay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

3 qod ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxa iyadoo in ka badan 15 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mida weriyayaal dhowr ah.

Weriyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mida: C/Shakuur Maxamed oo ka howlgala Idaacadda Star FM iyo SAAB TV, C/Qaadir Cumar Ibraahim oo wakiil u ah Telefishanka RTN iyo Radio Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin oo ka tirsan Jubaland TV.

Qasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordho iyadoo qaraxa lagu beegay xilli maqaayada ay ahayd mid buuxa salaadii Duhur kadib.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON