Wednesday, July 16, 2025

Faahfaahin: Wiil Arday ahaa oo toogasho lagu dilay duleedka Muqdisho & Gaari laga qaatay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wiil arday ah oo xalay koox hubeysan ay toogasho ku dileen duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana wiilka la dilay lagu magacaabi jiray C/rashiid Daahir Xasan, kaasoo la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku nool degaanka Ceelasha Biyaha oo wax ka barta Jaamcadaha Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ardayga ay laba dabley ah soo dabagaleen iyagoo rasaas ku furay xilli markaasi ka baxay dukaan ku yaalla xaafadda Quraca ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxayna ka qaateen Gaari yar oo uu watay.

Dilka wiilka ayaa ka mida dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda kuwasoo gaaray dhammaan qeybaha bulshada iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON