Saturday, July 12, 2025

Faahfaahin: Xubin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil ay saaka kooxo hubeysan u geysteen mid ka mida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa Xaafada Laybeeriya ee degmada Waaberi ku dishay Nin magaciisa lagu sheegay Cali Xaaji (Legend) oo ka tirsanaa shaqaalaha waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ninkan ayaa wararku sheegayaan in koox hubeysan ay ku toogteen Goob Shaaha laga cabo, kadibna ay baxadeen, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidamada Booliska.

Alshabaab ayaa inta badan sheegata dilalka khaarijinta ah ee ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka Gobollada kale ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON