Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahinta Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen magaalada ganacsiga ugu weyn ee maamulka Puntland.

Qaraxyada oo ahaa labo qarax ayaa loo adeegsadat Bambada gacanta laga tuuro, waxaana lagu weeraray xarunta maamulka magaalada Bosasooo la sheegay inuu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo).

Ciidamada Illaalada Guddoomiyaha ayaa qaraxyada kadib waxay fureen rasaas. Laba nin oo la sheegay inay weerarka ka danbeeyeen ayaa goobta ka baxsaday, ilaa iyo haddana ma jiraan faahfaahin ku saabsan qasaaraha Qaraxyada ka dhashay.

Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa sheegay inaysan jirin cid ka tirsan ciidamada amniga oo waxyeelo kasoo gaartay weerarada.

MadaxweynahaCabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso, isagoo dib uga laabtay Muqdisho oo uu uga qeyb galay caleemo saarkii madaxweyne Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON