Thursday, June 26, 2025

FAAQIDAAD: Saddexda Qodob ee Madaxweyne Farmaajo ku bedeshay Doorasho Qof iyo Cod ah (Akhriso)

Heshiiska Doorashada 2020/2021 ee magaalada Dhuusamareeb ku saxiixeen Madaxweynaha Soomaaliya, saddex maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir, wuxuu meesha ka saaray arrintii ugu weyneyd ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dheganaa oo ahayd “DOORASHO QOF IYO COD”, laakiin waxa la is weydiinayaa waxa uu ku bedeshay..?

Marka dib loo akhriyo tallaabooyinkii Madaxweyne Farmaajo u qaaday dhinaca Doorashada iyo khudbadii uu ka jeediyey xiritaankii Shirkii Dhuusamareeb 2, waxaa soo baxday inaysan daacad ka ahayn Doorashada Qofka iyo Codka ah ee ujeedku ahaa sidii uu ku heli lahaa Doorasho uu saameyn weyn ku yeelan karo oo horseedi karta inuu dib ugu soo laabto Kursiga.

Ka sokow inay dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo sameyn tallaabooyin suuragelinaya inay dalka ka dhacdo Doorasho guud oo Qof iyo Cod ah, haddana waxay dowladdu ku howlaneyd sidii ay u heli lahayd Baarlamaan iyo maamul Goboleed kala shaqeeya nooca Doorasho ee keeni kara dib u doorashada Farmaajo, waxayna arrrntii kusoo dhammaatay Doorasho Dadban oo ergadii 2016 la kordhiyey oo kasoo baxday Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay bannaanka ka joogaan labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Heshiiska lagu saxiixay Doorashada Dadban ee loo bixiyey -Degaan Doorasho- wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku darsaday saddex qodob oo u damaanad qaadi kara Doorasho dhiciisa maamulo, waxayna kala yihiin:

MAAMULKA DOORASHADA

Heshiiska wuxuu awooad kama danbeys ah siianayaa Guddiga Doorashada Madaxa bannaan ee Qaran, kaasoo leh maamulka Doorashada, halka maamul Goboleedyada kaliya caawiyeyaal ka yihiin. Guddiga Doorashada ee Xaliimo Yarey hoggaamiso waxaa horeba loogu eedeeyay inuu ku xiran yahay xafiiska Madaxweynaha, waxaana Guddiga si weyn uga horjeeday maamul Goboleedyada intooda badan.

In Doorashada 2020/2021 oo laga dhigay Doorasho dadkan uu maamulo Guddiga Doorashada Qaran ee ay guddoomiyaha ka tahay Xaliimo Yarey wuxuu madaxweyne Farmaajo u arkaa in maamulka Doorashada gacantiisa ku jirto, inkastoo Guddiga aanu heysan sharciyad uu doorasho dadban ku maamulo.

DEGAANNADA AAN AMNIGA AHAYN

Qodob kale oo rabitaanka madaxweyne Farmaajo u qoran oo ku jiray heshiiska waa: In degaanada aan nabadda ahayn laga wareejin karo kuraasta la dooranayo, lana geyn karo degaano kale’.

Arrintan waxay keeni kartaa in Guddiga Doorasho uu tusaale ahaan magaalada Kismaayo ka wareejiyo kuraastii lagu dooran lahaa, lana geeyo Gobolka Gedo, iyadoo qodobkan u muuqdo in Jubbaland iyo Axmed Madoobe si toos ah u taabanayo.

Faahfaahin badan lagama bixin cidda go’aanka leh, Amni xumada inay noqon karto maamullada diidan heshiiska haddaanay dib uga soo biirin, wuxuuna qodobkan horseedayaa halis ah kuraas la kala xawilo iyadoo koox ama shaqasiyaad gaara loogu daneynayo.

GOLAHA SHACABKA HADDII UU DIIDO HESHIISKA..!!

Qodob ay horeba uga boodeen qaar ka mida Maamul Goboleedyada ayaa ah in Heshiiska Doorashada ee lagu gaaro Shirka Dhuusamareeb 3 laga ansixiyo Golaha Shacabka, taasoo ku jirtay khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyey xildhibannada 15-kii Ogost.

Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in Baarlamaanka diidi karo heshiiska, sababtoo ah waxay hore u ansixiyeen sharci Doorasho, haddii ay taasi dhacdana, madaxweyne Farmaajo laba guul oo siyaasadeed ayuu joogaa: Waa marka horee waxaa eeda oo dhan qaadaya Golaha Shacabka, fashilka dowladda federaalkana waxaa lagu iloobi doonaa tallaabadaas, marka labaadna qalalaase cusub wuxuu horseedi karaa jiitan iyo suuragalnimada waqti kororsi ama heshiis kale oo waqti qaata.

Faaqidaadda Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON