Qarixii weynaa ee dadka badan galaaftay, kaasoo casirkii Sabtidii ee 14-ka Oktoobar ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho, wuxuu sababay dhimashada 300 qof iyo dhaawaca ku dhowaad 400 oo kale.
Shanta su’aal ee soo socota ayaa qaraxaasi ku wareegsan, wuxuuna ahaa kii ugu weynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya ayna ku dhintaan dad intaas la eg.
Shanta su’aal ee xasaasiga ah iyo jawaabahooda hoos ka akhriso:
1- Halkee Bar-tilmaameedku ahaa..?
Goobta ay wax ka dhaceen ee KM 5 kuma oolin Xarun Xero Ciidan ama saldhig milateri, waxaase aad ugu dhowaa xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada oo dad badan aaminsan yihiin inuu bar-tilmaameedku ahaa, taasoo dad ku jiray dhaawacyo soo gareen.
Matt Bryden oo ah Khabiir ka faalooda Arrimaha Amniga Geeska Afrika ayaa yiri “Lama Hubo in KM5 uu ahaa Bartilmaameed loo qorsheeyay Weerarkan”.
Ilo dhinac ammaanka Gobolka ah oo codsaday inaan la magacaaabin ayaa rumaysan in Gaariga uu ka khaldamay Bartilmaameedkiisa. Iyadoo aragti kale ay sheegeyso in Gaariga weyn loogu talogalay qaraxa hore inuu fuliyo kan laabad ee la fashiliyayna uu qaraxa kadib qarax kale geysto.
Waxaa jira war sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay taagneyd xilligaasi Booyad shidaal, taasoo keentay in qaraxa uu weynaado. inkastoo aan goobta laga helin burbur booyad, haddana waxaa xaqiiqo ah in goobta lagu iibin jiray shidaal, marka lagu daro gawaarida faraha badan ee wadadda isticmaaleysay waxay xaaladda ka dhaceen in qarixii uu noqdo mid faraha ja baxa, Hadiise booyada shidaalka jirto waxay ahayd wax nasiib darro isku soo beegmay oo qadar ahayd.
2- Maxaa Qaraxa loo adeegsaday..?

Waxaa Bamka loo adeegsaday Qaraxii Soope lagu qiyaasay 500 -2000 kgr (laba tan), kaasoo la mida Bamkii loo adeegsaday qarixii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi 1998-dii, oo lagu dilay 213 Qof.
Khabiirka Matt Bryden ayaa sheegay in qaraxyaddii hore ee Muqdisho loo adeegan jiray Bam culeys 800 ilaa 1000 Kg, Qasaarahooduna ka yaqaan kii Sabtidii ka dhacay Km5 Mudisho, kaasoo guryo aad uga fog goobta qaraxa sababay inay dariirashadihii ka daataan.
Xogta laga ururiyay goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegeysa in Qaraxa uu ka koobnaa mid gacan ku sameys ah iyo waxyaabaha qarxa ee qalabka milateri, iyadoo Alshabaab aysan sameyn karin qarax sidaas u weyn iyadoo aan u adeegsan qarxiyeyaasha ay sameeyaan.
3- Hay’adaha Ammaanka

Qaraxan wuxuu dib u dhac ku yahay ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo ku fashilmay inay ogaadaan, ama hor istaagaan qaraxan inuu ka dhaco meelaha ugu waaweyn ee furaha u ah caasimadda.
Alshabaab ayaa hore looga bartay inay dhex galaan ciidamada, kana gudbaan goobaha koontaroolada ah, iyagoo fulinaya weeraro noocan oo kale ah iyagoo dareyska ciidamada dowladda. Bam heerkiisu aad u weyn yahay oo la mida kii lagu qarxiyay km5 wuxuu u baahan yahay waqti, waana shaqo adag oo aan sahlaneyn.
Inkastoo ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay celiyeen Gaariga ayaa haddana uu ka baxsaday bartii lagu celiyay ee isgoyska Banaadir, wuxuuna isagoo xawaare ku socda jiiray gawaari iyo Mootiyin fara badan intii aanu ku qarxin jidka u dhaxeeya xarunta bisha Cas ee Muqdisho iyo Hotelka Safari.
Waxaa muuqata inaan la baarin gaariga markii laga soo daayay koontaroolka Siinka dheer, halkaasoo uu damiintay Shaqsi Muqdisho degan oo la sheegay inuu u shaqeeyo mid ka mida shirkadaha waaweyn ee ganacsiga.
Arrintan ayaa la ogeyn in hay’adaha amniga ay wax ku qaadan doonaan iyo inkale, inkastoo qaraxyo waaweyn oo hore u dhacay aan looga faa’iideysan in lagu baajiyo kuwii ka dambeeyay.
4- Maxaa loo sheegan waayey Qaraxa..?

Waxaa inta badan la isku raacsan yahay in Alshabaab ay ka dambeeyaan qaraxan ayna soo ku soo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, waana kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale.
Waxaa kaloo xusid mudan in Alshabaab ay qaraxyo hore oo dad shacab u badan galaaftay ay ka aamuseen, waxaana tusaale kuugu filan qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009 oo lagu laayay arday qalin jebineysay iyo wasiiro.
Khabiiro Soomaali iyo ajnabi ah ayaa isku raacsan in Alshabaab ay tahay tan soo maleegtay qaraxan, iyadoo aanay wax kasoo qaad lahayn wararka ku eedeynaya qaraxa dalal iyo dhinacyo kale.
5- Qaraxa maxaa xiga..?

Jawaabtii ugu horeysay ee qaraxa aan hore loo arag waxay noqotay “caro” Soomaalida ayaa si weyn uga carootay, wuxuuna dhaliyay banaanbaxyo looga soo horjeedo Alshabaab ay ka dhacaan caasimdda Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.
Jawaabtii labaad ayaa noqotay midnimo Soomaalida oo dhan iyo dadka caalamka ay u midoobeen gargaarka dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaa lagu baaqay isu soo baxyo lagu diidan yahay Alshabaab, laakiin waxaa laga digayaa in midnimadaasi laga faa’iideysan waayo ayna keeno in murugada iyo carada ka dhalatay qaraxan lagula jeesto dowladda Federaalka iyo waxqabad la’aanteeda dhinaca ammaanka.
Ka sokow midnimada iyo Soomaalinimda ka dhalatay falka Alshabaab ku laayeen boqolaalka qof, ma muuqato istiraatiijiyad iyo qorshe ay wado dowladda Federaalka, lamna maqal wax tallaabooyinn dhinaca ammaanka iyo ciidamada lagu hormarinayo.
Inkastoo Alshabaab hogaamiyeyaal badan duqeyn looga dilay oo uu ugu danbeeyay madaxii u qaabilsanaa Gobolka Banaadir, waxayna haddana sii wadaan inaysan u dhutin oo ay sii xoojiyaan ololaha ay uga horjeedaan dowladda Soomaaliya.
Mustaqbalkas siyaasadeed ee dowladda madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ku xirnaan doona sida ay arrintan uga faa’iideysato ama ugu fashilanto.