Tuesday, June 24, 2025

Faarax Macalin: “Farmaajo iyo Kheyre waqti yar ayaa u haray, waxay galeen Khiyaano Qaran…”

Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin Dawaarre ayaa mar kale ka hadlay xaalada ka dhalatay kiiskii Itoobiya loogu gacan geliyay sarkaal ka tirsan ONLF.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha waqti yar uga haray inta ay xilka sii joogi lahaayeen, ayna noqon doonaan kuwo muddada ugu yar xafiiska heyn doona, iyagoo ku kacay Khiyaano Qaran sida uu yiri.

“Farmaajo iyo Kheyre wuxuu xaalkoodu ku dhammaan doonaa inay waqti yar xilalka sare sii hayaan, waxay ku kacaan khiyaamo qaran. Waan garayaa, rajo badan ayaanan ka lahaa. nasiibadarro.” ayuu yiri Faarax Macalin.

Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn u taageeray isbedelkii ka dhacay talada dalka markii la doortay Farmaajo, wuxuuna Muqdisho u yimid arrintaasi. Dhinaca kale wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn u taageeray maxkamadihii islaamiga ahaa, isagoo gacansaar la lahaa kooxdii Asmara xarunta ka dhigatay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON