Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay inuu ku khaldamay qiimeynta madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Wuxuu ku sheegay farriin uu soo diray in si khaldan u fasirteen shaqsiyadda Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, kana cudurdaaranayo taageeradii uu labadaas qof siiyay.
“Waxaan dadka Soomaaliyeed uga cudurdaaranayaa taageeradii aan la garab istaagay labadan mas’uul (Farmaajo iyo Kheyre)…” ayuu yiri Faarax Macalin oo ka shalaayay taageeradii uu siiyay madaxda sare ee Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa hore si weyn ugu ololeeyay doorashadii Farmaajo isagoo sidoo kale sheegayn in Kheyre ay si weyn isu yaqaanaan oo Soomaaliya ay heshay hoggaankii ay u baahneyd,