Thursday, June 8, 2023

Fadhigii Golaha Shacabka ee Maanta oo baaqday iyo xaalad ka taagan Guddoonka..

Kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta ayaa u baaqday kooram la’aan markii ay soo xaadiri waayeen tiro xildhibaanno ku filan si uu fadhigu u furmo.

Tirada soo xaadirtay ilaa 12:00 Duhurnimo ayaa noqotay 120 xildhibaan oo kaliya, taasoo keentay inuu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golah aShacabka C/llaahi Abshirow uu soo xiro Fadhiga, isagoo u digay xildhibaannada maqnaaday fasax la’aanta.

Kulamadii ugu danbeeyey ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood sharciyeed ku saabsan qaabka hoggaaminta Baarlamaanka ee Guddoomiye ku xigeenka labaad oo muddo bil ah keligiis guddoominayey Golaha, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeer hoosaadka, waxaana golaha ka taagan xaalad guddoon xumo, iyadoo aanu muddo dheer soo xaadirin Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xilligan ku-sime ah iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad oo dalka ka maqan.

Ad

Kulankii maanta ayaa la filayay in loogu codeeyo Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa oo akhrintii saddexaad maraya iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!