Waxaa magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada kursigii xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo uu banneeyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Waxaa kursigan HOP203 oo aan lah tartamim loo xiray musharax la sheegay inuu watay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabo Xasan Hurre Ugaas, kaasoo Gacantaag ah loogu codeeyay, kaddib markii uu doorashada ka baxay musharaxii la tartami lahaa ee Cabdullaahi Maxamed Cabdi.
88 ergo ayaa gacanta u taagtay musharaxa, waxaana ergada codeysay oo dhammeyd 90, mid uu diiday, midna ka aamusay doorashada aan lagu tartamin.
Guddiga Doorashada KMG ah ee xukuumaddu magacawday ayaa shaaciyay in doorashada kursiga HOP203 uu ku guuleystay Xasan Hurre Ugaas, oo ka mid noqon doono xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.