Saturday, July 19, 2025

Fahad Yaasiin oo Codsi u dirtay Farmaajo. “Ii ogolow inaan warbixinta kiiska Ikraan, kusoo bandhigno..”

Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa codsi u dirtay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo doonaya inuu shir isugu yeero Golaha Amniga Qaranka.

Qoraalka codsiga Fahad Yaasiin oo ku saabsanaa inuu warbixinta kiiska Ikraan Tahliil kaliya siinin Ra’iisal wasaare Rooble ee uu la wadaago xubnaha Golaha Amniga oo dhan wuxuu u qornaa sida soo socota:

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Hay adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka

XTC/HSNQLD/013/21 September 05, 2021

KU: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Cabddulaahi Farmaajo
OG:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.
OG:- Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Xuseen Rooble
OG:- Wasiirka Amniga Gudaha.
Md. Xasan Xundubeey Jimcaale

Ujeedo: – Codsi Soo Jeedin Warbixin Amni.

Mudane Madaxweyne, naga guddoon salaam qadarin ku dheehantahay. Anagoo garawsan marxaladda muhiimka ah ee uu wadanku marayo, hadana fulinayna amarka Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaailya, xeerinayna xaq u lahaanshaha Hay’adaha kala duwan ee ka midka ah Golaha Amniga Qaranka, kiisaska iyo warbixinada xasaasiga ah ee taabanaya amniga qaranka, tixgelinayna xasaasiyadda kiiska sarkaalad Ikraan Tahlil iyo Jihooyinka kala duwan ee ay taabanayso, waxaan si xushmad iyo sharafi ku dheehan tahay kaaga codsanaynaa inaad naga ogalaato inaan warbixinta kiiska Sarkaaladaas, ku soo bandhigno shirka Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan.

Waxaana diyaar u nahay jeedinta warbixintan taariikhda loo xadido inuu dhaco kulankaas. Waxaan rajaynayaa inaad naga aqbasho codsigeena.

Mahadsanid.

MD. FAHAD YAASIIN
AGAASIMAHA GUUD EE NISA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON