Thursday, July 24, 2025

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub ka dhex dhaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Qoraal uu baraha bulshada ku qoray ayuu Fahad Yaasiin nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni aysan uu kala saari wayay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo awoodda sharci ee Dowladda dhexe.

Madaxweynaha Puntland ayuu ku dhaliilay in isagoo mushraxa u ah xilka madaxtinimada heer federaal uu haddana wax qadarin uma haynin Dowladda Federaalka. 

Fahad Yaasiin wuxuu dhinaca kale mucaaradka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ku dhaliilay inay ka aamuseen arrinta. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Akhriso Qoraalka Fahad:

LABO FARRIIMOOD OO LA XIRIIRA MARKABKA HUBKA

Fariinta Koowaad: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka?.

Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.

Fariinta Labaad: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay.

Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON