Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo shalay baaqatay ayaa maanta ka degatay Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aden Adde ee magaalada Muqdisho.
Diyaarada Turkish Airlines oo toos uga soo duushay magaalada Istanbul ayaa siday rakaab isugu jira, kuwii shalay baaqday iyo kuwa cusub oo maanta ku qornaa, waxaana la sheegay inay heshay amar ah inaysan soo qaadi karin agaasimihii hore ee NISA.
Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradii maanta aanu la socon Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, kadibna loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Fahad Yaasiin, oo ku jiray rakaabkii Diyaaradii shalay dib looga celiyay Jabuuti.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu Fahad Yaasiin uga haray Diyaaradii uu ku qornaa, waxaana la sheegay in diyaarad gaara uu u kireysan doono magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdaan xubno kale oo ku dhow.
