Friday, July 11, 2025

Fariinta Dowladda Mareykanka sida tooska ah ugu dirtay Farmaajo iyo Rooble, kadib Beesha Caalamka

Dowladda Mareykanka ayaa baaq toos ah u dirtay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya.

Farriintan oo timid kadib warkii Beesha Caalamka xalay kasoo saartay khilaafka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Rooble Xuseen Roble ayaa si toos ah loogu diray labada mas’uul, iyadoo loogu sheegay inay dhammeeyaan khilaafkooda, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u jeestaan dhammeystirka Doorashada.

Farriinta ayaa ka timid Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna u qorneyd sida sooo socota: “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, ayna xoogga saaraan sidii dib u dhac la’aan loogu dhammeystiri lahaa Doorashada. Doorashadu waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasiloonida xilliga xog ee Soomaaliya iyo horumarka”

Dowladda Mareykanka waxay ka mid ahayd dalalka Beesha Caalamka ee war-saxaafadeedka kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble, laakiin waxay saameyn gaara ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

May be a Twitter screenshot of text that says 'Bureau of African Affairs @AsstSecStateAF We urge @M_Farmaajo and @MohamedHRoble to peacefully resolve their differences and focus fully on concluding #Somalia's elections without further delay. Elections are essential to Somalia's long-term security, stability, and prosperity.'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON