Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa nin hubeysan oo weerar ku qaaday Goob Mingiska lagu tumo oo ku taallada degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Ninkan dableyga ah ayaa la sheegay inuu weerar ku qaaday kooxdan oo xarun ku lahayd xero dad barkacayaal ah degan yihiin, isagoo halkaasi ku dilay 2 qof, isla markaana dhaawacay 10 kale oo qaarkood xaaladoodu culus tahay.
Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta falku ka dhacay, waxaana ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi oo aabihiis uu sheegay inuu goobta u daawasho tegay iyo inuu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Waxaa socda dadaal lagu raadinayo ninka falkani geystay oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxa uu ahaa. Ninkan ayaa wararka qaar sheegeen inuu ahaa qof isticmaalaha waxyaabaha maanka dooriya.
Taliska Booliska Soomaaliya oo War ka soo saaray falkan ayaa qoraalkiisa ku yiri: “9/July/2020, abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan labiska Ciidanka, ayaa rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15 May oo ku taala agagaarka iskoolka 15-May ee Degmada Wartanabada. Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere kaas oo horay uga mid ahaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, falkaan ayaa sababay dhimashada Hal qof oo lagu magacaabi jiray SALEEBAAN MAXAMED MAHDI, waxaana ku dhaawacmay 9 qofood oo kale. Eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ayeey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku raadjoogaan si gacanta loogu Soo dhigo, loona maxkamadeeyo”.