Friday, June 27, 2025

Fal Dil khaarijin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dabkey hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa maanta dil khaarijin ah ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Dableyda ayaa toogatay askari ka tirsan ciidanka nabadsugida ee NISA oo ku sugnaa xaafada Jeneraal Daa’uud, degmada Wardhiigley  ee Gobalka Banaadir. Waxaana dableyda oo Bistoolad ku hubeysnaa  ay ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyeen.

Falka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka caasimadda oo muddo kooban xiray halkaasi, iyadoo aanay suuragelin ina la soo qabto dableydii dilka geystay.

Falalka dilalka qorsheysan ah ee Muqdisho waxaa inta badan fuliya xubno ka tirsan Alshabaab oo kadib sheegta inay mas’uul ka ahaayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON