Wednesday, December 11, 2019
More

    Falal Dilal & Qaraxyo Miino oo ka dhacay Muqdisho & Agagaarkeeda. [Warbixinta Amni ee 24-ka saac]

    Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho howlgalkii amni ee dowladda Somalia ku dhawaaqday muddo toddobaad ka badan, waxaana 24-kii saac ee lasoo dhaacay lasoo weriyey dhacdooyin amni darro oo isugu jira qaraxyo miino, dilal iyo dad la dilay oo meydadkooda la helay.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga iyo qof shacab ah oo Gaari yar ku socday, kadib markii ay meel shidaal lagu iibiyo tageen, waxaan weerar ku qaaday koox hubeysan oo toogasho ku dishay sarkaalka iyo qof la socday oo la sheegay inuu ahaa makaanik.

    Ad

    Dadka degaanka Siigaale ee degmada Hodon ayaa sheegay in meydka wiil yar oo lagu qiyaasay 12 sano jir laga helay agagaarka Warta Siigaale, iyadoo aan la aqoonsan wiilkaasi oo la sheegay in la gowracay.

    Dhacdo kale waxay ahayd in ciidamada Amniga ay qabteen nin Bambo gacmeed caawa ku tuuray bar ay ciidamada Booliska ku sugnaayeen oo ku dhow degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa bambada ay ku dhaawacmeen laba qof.

    Saaka aroortii ayay ahayd markii meydka haweeney ay ka muuqatay rasaas laga helay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqidsho [Akhriso Warkaasi]

    Qaraxyo miino ayaa sidoo kale kala dhacay xaafadda Baar Ubax iyo Siinka Dheer, iyadoo qaraxa hore ay 3 qof ku dhinteen, halka qaraxa labaad lala beegsaday ciidamada AMISOM [Akhri Warkan]

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,588FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow
    131,588FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!