Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dal dil ah uu galabta ka dhacay magaalada.
Falkan ayaa ka dhacay Laanta koowaad ee degmada Dharkeynley, waxayna koox hubeysan ay halkaas ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Cali Salaad oo ka mid ahaa dadka degaanka.
Dadka degaanka ayaa sheegay In ninka la dilay uu kamid ahaa dadka deegaanka ayna goobta ka baxsadeen dableydii dilkaasi fulisay.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, arrintan ayaa ka danbeysay dil kale oo maanta ka dhacay Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada, kaasoo lagu khaarijiyay askari ka tirsan ciidamada Minishiibiyada ee canshuurta qaada.
Goobjooge