Sunday, July 13, 2025

Fanaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay fannaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo muddooyinkan xanuunsaneysay.

Khadra Daahir ayaa xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayey Isbitaal ku yalala magaalada Hargeysa oo ay caawa ku geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen ehelkeeda.

Waxay ahayd fannaanad caan ka ah Soomaalida dhexdeeda, isagoo fanka kusoo biirtay sanadihii 1970-kii wixii ka danbeeyay, waxayna muddooyinkan danbe ahayd qof fanka ka fariistay oo hooyo ah.

Tacsida loo diray Marxuuman Khadra Daahir Cige ayaa si weyn loogu wadaagayaa Baraha bulshada, iyadoo dadku u duceynayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON