Saturday, August 13, 2022

Dagaalkii taageerayaasha Farmaajo iyo Rooble ee Facebook oo weji cusub yeeshay (Geeri been ah)

Dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa weji cusub yeeshay maalmihii ugu danbeeyay.

Taageerayaasha Farmaajo ee baraha bulshada oo loo yaqaan CBB ayaa sii xoojiyey weerarkii ay ku hayeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo inta badan aflagaado la daba joogeen muddo dheer, tan iyo intii uu khilaafka siyaasadeed kala dhaxeeyay Farmaajo.

Kooxda abaabulan ee CBB oo u badan xubno kasoo jeeda Somaliland, Sool iyo Soomaalida Kenya waxay Rooble ka dhigteen hadafkooda koowaad, waxayna arrintan sii xoogeysatay markii Rooble kursiga xildhibaannimo ka hor istaagay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ad

Maalmo ka hor wuxuu Facebook u aqoonsaday guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ka mida hoggaamiyeyaasha CBB-da Farmaajo inuu dhintay, kadib qorshe habeysan oo la sheegay in lagu beegsaday.

Sidoo kale waxaa dhimasho been ah hawada looga saaray xalay boggii Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaasha Farmaajo, kadib qoraallo aflagaado ah oo ay ku weerartay Rooble, waxaana hadda gurmad weyn iyo olole lagu difaacayo Baraha bulshada ka mida taageerayaasha Farmaajo.

Dagaalkan wejiga cusub galay Geerida loo dirayo xubnaha ugu waaweyn kooxda CBB ee Farmaajo ayaa noqday mid aan hore loo Arag, waxayna dad badan la yaabeen sababta kooxdani weli u daba joogaan Ra’iisal wasaarihii hore ee Rooble iyo cidda beegsaneysa.

- Advertisement -

Kooxda CBB ayaa weli isla qabsan sidii ay koox mideysan u noqon lahaayeen, iyadoo qaar ka mida ay Rooble hadaf ka dhigteen, halka qaar kale Xasan Sheekh weerar ku hayaan, waxaana jira qolo kale oo ay ka mid yihiin Cali Yare iyo Farah Gaylan oo qaab farsameysan dagaalka warbaahinta ugu haya Xasan Sheekh iyo kooxda cusub ee UPD.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON