Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaciyay inuu socdo qorshe lagu beegsanayo xilalkana looga qaadayo saraakiil ciidan, Shaqaale rayid ah iyo kuwa garsoorka oo u badan dadka kasoo jeeda Beelaha Muqisho (Hawiye).
“Dhallinyaro isugu jira saraakiil ciidan, shaqaale rayid ah iyo hay’adaha garsoorka ayaa cabashadooda si is daba joog ah ii soo gaaraysay. Dhalinyaradan oo rag iyo dumarba leh ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha deegaanka Muqdisho, iyadoo xil ka qaadis iyo shaqo joojin lagu sameeyey faquuq hayb qabiil ah..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur arrintan kashifay.
Wuxuu sheegy in dhinaca kale uu si xawli ah ku socdaan magacaabista xilal qaraabo kiil ah, taasoo ay wadaan Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysal wasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda (TN).
“Waxaan canbaaraynaynaa eexda qabiil, ku takri falka awoodda Dowladda iyo kala xigsiga muwaadiniinta. Waxaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kalaba ceeb ku ah in ay kala xigsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna kacaan eexdii iyo cadaalad daradii dawladii dumisay. Waxaa muuqata dabeecadihii lagu yaqiinay rajiim gabalkiisu dhacayo ee ahayd ha aaminin cid aan wiilkaada iyo walaalkaa ahayn..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.