Sunday, June 22, 2025

Farmaajo: “Haddii Xasan Sheekh isku dayo inuu ku darsado waxaa dhacaya Kacdoon aad u weyn”. DHAGEYSO

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd  Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga digay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku fekeraan ay sameystaan muddo kordhin marka uu dhamaado waqtigooda, wuxuuna sheegay inuu isagu isaga tegay xilka iyadoo dadweynaha u banaan baxayaan si KMG looga baxo.

“Haddii ay isku dayana muddo kororsi waxaan imaan doonta kacdoon shacbi oo aad u weyn maxaa yeelay dowladda Xasan Sheekh waxay ku timid naf hurnimo aan aniga sameeyay si dalkaasi uga baxo kumeelgaar…. Hadii Xasan Sheekh ku fekero ku darsasho waxaa imaan karo dib u dhac, waana inaan lagu fekerin hal maalin in lagu darsado”.

Farmaayo wuxuu sheegay in olole weyn uu ka bilaabay qorshe loogu magac daray QAARAAN QARAN, wuxuuna intaasi ku daray inuu soo laablaabay howlihiisii oo dhan oo hadda u soo jeestay siyaasad, isla markaana ku soo wajahan yahay dalka Kenya, kadibna uu tegi doono dalkii Soomaaliya.

Ad

DHAGEYSO CODKA FARMAAJO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON