Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho u tegay la kulanka Senatooro ka socda dalka Mareykanka oo booqasho ku tegay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Garoonka Muqdisho kula kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka, lagana soo doorto Gobolka Oregon. Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa isna Garoonka Muqdisho u tegay Mac Thornberry oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareyanka, kana soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga.
Madaxda Mareykanka oo ay ku jiraan Senatorada dalkaasi ayaan loo ogoleyn inay dhaafaan xeyndaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho arrimo dhinaca ammaanka ah dartood, taasoo keenta inay madaxda ugu sareysa dalka ay ugu tagaan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho la-kulankooda dartood.