Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo iyo Madaxda taageersan oo maalintii ku shiray Afisyoone & Wasiir Dubbe oo Warbixin u jeediyey (Sawirro)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada taageersan ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku shiray xarunta Afisyoone.

Kulankan oo ay ka maqnaayeen madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo ayey Madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka, iyadoo uu metelayay ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Cismaan Abokor Dubbe oo lagu bedelay wasiirkii dastuurka Saalax Axmed Jaamac.

Guddiga Farsamada ee ku shiray Magaalada Baydhabo ayaa soo jeediyey talooyin ku saabsan xalka khilaafkaadka Doorashaa, laakiin waxaa ka maqan xubnaha ka socda Puntland iyo Jubbaland. Qeybta Guddiga qabyada ah ayaa la wadaagay Farmaajo iyo madaxda taageersan talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka.

Waxaa shirka ku sugnaa Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka Wadatashiga oo maanta ku ekaa ayaan la sheegin in lasoo xiray iyo in kale, waxaana weli dhicin shirkii la filayey inay madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada isugu yimaadaan.

No photo description available.
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of one or more people
May be an image of indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON