Thursday, March 28, 2024

Farmaajo oo bilaabay inuu Villa Somaliya ku casuumo Qeybaha Bulshada ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay inuu xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku casuumo qeybaha bulshada ee caasimadda.

Dhowaan waxay shaqaalaha madaxtooyada la xiriireen oo ay casuumeen dhalinyaro u dhaqdhaqaaqa nabadda oo bannaanbax ka sameeyay caasimadda, kadib qalalaasihii magaalada Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo diiday in wax muuqaal ama sawirro ah laga qaado, waxaana dhex maray dood adag oo Farmaajo ku sheegay inuu saacado ku soo afjari karo ciidamada ka horjeeda ee ku sugan Muqdisho.

Xalay oo ku beegmeyd 3 May 2021 waxay mar kale Madaxtooyada casuumaad u dirtay Qaar ka mida madaxda Warbaahinta Muqdisho, kulankaas oo la sheegay inuu Maxamed Farmaajo muddo saacad ka hadlay khudbad jeedinayay waxaa hareeyay weerarkii ay ciidamo ka tirsan Haramcad ku qaadeen Xarunta Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho, kuna qaateen qalabkeedii.

Ad

Kulan kale ayay Madaxtooyad Soomaaliya caawa ku casuuntay qaar ka mida culimada magaalada Muqdisho oo ay ka dhex muuqdeen taageerayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana looga hadlay kaalinta culimada.

Casuumaadda qeybaha bulshada ee ay wado Madaxtooyada ayaa inta badan loogu yeeraa taageerayaasha Madaxweynaha xilka ka dhammaaday, si loogu muujiyo inuu hayo shaqo xoog leh, kadib markii uu xilka Doorashada iyo Amnigeeda ku wareejiyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON