Sunday, July 13, 2025

Farmaajo oo caawa booqday isbitaal Madiina: “Qofkii soo sheega gaari qarax sida 100 kun Doolar ayaa la siinayaa..”

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa booqday Isbitaal Madiina oo maanta la dhigay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii qasaaraha badan  dhaliyay ee maanta ka dhacay suuqa Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Madaxweyne Farmaajo dadka dhaawaca ah xaaladooda yu kuurgalay wuxuuna u rajeeyay inuu Alle caafimaad degdeg ah siiyo isagoo cambaareeyay kooxda Alshabaab ee sida bahalnimada ah u gumaadeysa dadka shacabka ah.

Wuxuu Madaxweynaha balanqaaday in si degdeg caafimaad dibadda ah loogu qaadi doono dhaawacyada liita ee aan dalka wax looga qaban karin, isagoo warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta isbitaalka Banaadir.

Waxaa muuqatay in ammaanka madaxweyne Farmaajo ay sugayeen ciidamada kumaandooska DANAB  iyo kuwa NISA ee milateriga iyo sirdoonka Soomaaliya.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee madaxweyne Farmaajo qaado intii uu xilka la wareegay isagoo xilli habeen ah booqday dadka dhaawac ah oo ku waxyeeloobay qarax ay ka dambeysay kooxda Alshabaab.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay qofkii soo sheega Gaari qarax wada oo miineysan in la siin doono abaalmarin lacageed oo gaareysa $100,000 arrintan oo ahayd mid ka mida ololihiisa doorashada.

Arrintan ayaa dadka qaarkii sheegeen inay sii kordhin karto qaraxyada, halka dad kale ay taageersan yihiin, laakiin waxay hadda noqotay balanqaad rasmi ah, inkastoo aan la ogeyn halka lacagtaasi ka imaaneyso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON