Xuakuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in ay dardar geliso sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii Somalia iyo Somaliland oo muddo hakad galay.
Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isagoo sida calanka Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka Somaliland u sameysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaaro.
Wareysi uu siiyey BBC-da Mahdi Maxamed Guuleed ayuu ku sheegay in la gaaray xilligii madaxweyne Farmaajo uu ka degi lahaa Hargaysa oo wadahadalku uu dib uga bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed asagoo intaas ku daray in midowgii labada gobol ee 1960-kii aanay jirin cid dhex dhexaadinaysay balse ay ku timid boholyoow iyo hilow Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aan weli la isla gaarin in farmaajo tago Hargeysa, wuxuuna caddeeeyay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii ay hakadeed kadib cabashadii dawladda Federaalka ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee dekedda Berbera.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in imaanshaha Farmajo ee Hargeysa ay ka horeyso in la is ictiraafo ama la aqoonsado jiritaanka Somaliland.