Madaxweynaha muddo xileeedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo duco u diray dadka Turkiga ee ka hortegay Afgenbigii lagu doonayey in lagu rido dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan 15 July 2016.
Farriin ku socotay Turkiga ayuu Farmaajo ku yiri: “Kuwii Shahiiday ee naftood hurayaasha ahaa iyo waddaniyiinta Turkiga ee ka adkaaday Taangiyada si ay u difaacaan jamhuuriyadooda; waxaan idin kula jirnaa Duco, inagoo idinkugu hambalyeynayna xuska 15 Temmuz ee maalinta Dimuqraadiyada & Midnimada Qaranka.
Farmaajo wuxuu farriintiisa kusoo gabagabeeyay:”Alle ha idin Naxariisto oo ha idin ilaaliyo..”, wuxuuna ka mid ahaa madax farriimo u diray Turkiga.
Turkiga ayaa maanta laga xusayaa sanadguuradii Afgenbigii la isku dayey in lagu maja xaabiyo dowladii uu hoggaaminayey madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
