Monday, June 23, 2025

Farmaajo oo Istanbul kula kulmay Dad kooban oo ka mida jaaliyadda Soomaalida iyo sababta

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Istanbul kulan la qaatay qeyb ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo qorsheyaasha laga dhur-sugayo, isaga oo ganacsatada iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkiga ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen, sida ay baahisay Villa Somalia.

Dadka ka mida Jaaliyadda Soomaaliyadeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ayaa kulanka ku sugnaa, waxaana qaarkood ay ka hadleen kuanka iyagoo ka warbixiyey xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, iyagoo la wadaagay dareenkooda ku aaddan baahiyaha ay qabaan jaalliyaddu.

Ad

Villa Somalia ayaa sababta Dadka tiradoodu aadka ugu yaraatay ee Jaaliyadda la kulantay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegtay inay u saamixi weydey xaaladda COVID-19.

Kulanka Farmaajo waxaa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Moowlid Xuseen Guhaad, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Caydiid Maxamed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON