Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.
Farmaajo oo dhowaan kasoo laabtay caleemo saarkii Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo markii lixaad xilka loo dhaariyey ayaa la sheegay inuu Jabuuti uga baaqsaday xiriirka xun ee kala dhaxeeya oo Jabuuti u aragto inuu yahay mid shaqsi ah oo ku kooban Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Casuumaadda dowladda Jabuuti u soo dirtay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya waxaa qaatay oo Soomaaliya u metelaya Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo maanta gaaray dalka Jabuuti, si uu uga qeyb galo xafladda caleemo saarka Madaxweyne Geelle.
Farmaajo ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuusan tegin xafladaasi, taasoo ay ugu wacan tahay xiriirka kala dhaxeeya Jabuuti. Wuxuu heshiis isbaheysi ah hore ula galay madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaasoo ay si weyn uga xumaatay Jabuuti, laakiin waxay xaaladu gaartay in xukuumadda federaalka si ay toos ah Jabuuti u eedeyso inay kala safatay caddowga (Kenya).
Waxaa caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti ka qeyb galaya madax ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Ra’iisal wasaaraha Itoobiy Abiy Ahmed Ra’iisal wasaaraha Burundi iyo madaxda kale ee Gobolka.
