Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa saqdii dhexe ka hor ku dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Muuqaal lasii duubay oo Madaxtooyada Soomaaliya ay baahisay ayuu Farmaajo ku sheegay inuu dalka u baahan yahay hoggaan aamin ah, oo joogteyn kara isbedelka shantii sano dalka ka socday.
“Anigoo ka duulaya baahida hoggaamineed ee dalkeyga iyo dadkeyga, waxaan go’aansday inaan mar kale isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, si aan u socodsiino isbedelka ka socda dalka..” ayuu yiri Farmaajo oo baaq u diray xildhibaannada labada Gole.
Farmaajo wuxuu xildhibaannada u sheegay inuu u baahan yahay inuu sii wado isbedelka uu wado, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan.
