Sunday, June 22, 2025

Farmaajo oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka JFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaalada siyaadadeed ee dalka ka jirta, isagoo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalkiisa wuxu Farmaajo uga digay dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah, taa uu tilkaanay in ay dhaawacayso midnimada iyo xasilloonida dalka.

“Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Ad

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.

“Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay”.

Farmaajo wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.

- Advertisement -

Ugu danbeyn wuxuu Maxamed C/llaahi Farmaajo qoralkiisa kusoo gabagbaeeyay: “Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON