Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada dhalinyarada ahaa ee ku maqnaa dalka Eritea, kuwaasoo mudo sanado ah la la’aa.
Xafladii xil-wareejinta ee goor dhoweyd ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayuu Farmaajo ka sheegay in ciidamadii ugu badnaa ee dalka dibaddiisa lagu soo tababaray, lana geeyay dalka Eritrea ay diyaar yihiin.
Farmaajo ayaa caddeeyay in ciidamdaasi ay diyaar noqdeen bartamihii sanadkii hore, balse sida uu yiri dalka loo keeni waayey xaaladii uu ku jiray dartiis, haddana ay diyaar u yihiin in howlgalaan.
“Waxay tababarkooda dhammeysteen sanadkii lasoo dhaafay bartamihiisii, dib ayaan u dhignay si aysan u saameyn arrimihii doorashada.. Marka ugu horeysa waxaan arajeynayaa inay soo laabtaan” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey feylshada maamulka Hawada, Barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada golaha amaanka Qaramada Midoobey iyo xeerka Doorashada oo uu sheegey inuu ahaa mid dhib badan.