Sunday, July 13, 2025

Farmaajo oo shirkiisii ugu danbeeyay ee Midowga Afrika uga qeyb galaya magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee xafiiska sii jooga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoogay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa dalka Itoobiya uga qayb galayo shirweynaha 35-aad ee Midowga Afrika oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka Afrika. Shirka ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu danbeeyay ee uu Farmaajo ka qeyb galo ka hor doorashada madaxtiimada sanadkan ee Soomaaliya ka dhici doonta.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin: dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaradda haysta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON