War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheega in kulanka ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
“Farmaajo ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Warka Madaxtooyada ayaan lagu soo hadal qaadin wakiilka Q/Midoobay James Swan oo kulanka ka qeyb galay iyo xilliga uu furmayo shirka rasmiga ah oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.






