Tuesday, July 1, 2025

Farmaajo oo Taliyeyaahs ciidamada kala hadlay Qaraxyadii Muqdisho iyo Beledweyne

Madaxweynaha xilkiisu dhammaadya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda.

Taliyeyaasha ciidamada oo laba ka mida ay yihiin xildhibaanno aan weli la dhaarin ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada inuu Farmaajo faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda warbixin ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa caddow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha”. ayuu yiri Farmaajo.

Kulankan ayaa imaanay, iyadoo qaraxyii Beledweyne ee lagu dilay 48 qof oo a ku jirto xildhibaan Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ay dad badan ku tuhmeen Villa Somaliya inay ku lug leedahay.

May be an image of 6 people, people sitting and people standing
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 6 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON