Monday, June 30, 2025

Farmaajo, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta Mucaaradka oo ku midoobay Tacsida Senator Yusuf Xaaji

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda mucaaradka ayaa ku midoobay tacsida loo dirayo qoyska iyo eheladda uu ka geeriyooday Senator Maxamed Yuusuf Xaaji.

Musharixiinta Mucaaradka, Qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiin badan ayaa tacsida u diray dadka Kenya iyo Soomaalida Kenya, kadib geerida wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa oday ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaalida Kenya.

Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa farriintiisa tacsiga ku yiri: “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya. Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa isna farriin uu tacsi ahaan u diray ku bilaabay: “axaan ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Senator Maxamed Yusuf Xaaji oo ahaa oday Soomaaliyeed iyo siyaasi caan ka ah Geeska Afrika. Marxuumku waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Governor iyo Senator. Allaha u naxariistee wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka iyo taariikhda Isirka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Puntland ayaa farriinta tacsida Maxamed Yusuf Xaaji ku yiri: “Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin. Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Kenya. AHUN Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool iyo kuwa ka ganacsada dalka Kenya, oo uu aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha noockasta ay yihiin”

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsidan diray: “Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Waqooyi Bari Kenya, anigoo kaga tacsiyeynaya geerida Marxuum Senator Maxamed Yuusf Xaaji oo ku geeeiyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodey marxuumka, waxaan leeyahay Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna Allaha naga siiyo”.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriintiisa tacsida ku yiri: “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska iyo ehelada uu ka baxay marxuum senator Maxamed Yusuf Xaaji. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan naga siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون”

Madaxtooyada Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam ayaa farriintan tacsida ah dirtay: “Jubaland waxaa ay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkiisii uga tacsiyaynaysaa Allah ha u Naxariistee Sen: Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi.”. Axmed Madoobe ayaa algu wadaa inuu ka qeyb galo aaska marxuumka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo tacsida uu diray u qorneyd sida soo socota: “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Senator Maxamed Yusuf Xaaji.Senator-ka Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shaqsi kaalin weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana soomaalida reer Kenya.Waxaan Eebbe uga baryeyaa jannadii Firdowso inuu waraabiyo, samir iyo iimaanna naga siiyo.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON