Wednesday, July 9, 2025

“Farmaajo wuxuu ku socdaa jidkii Xasan Sheekh..” Puntland oo bilowday mucaaradnimada Dowladda cusub

Maamulka Puntland ayaa si weyn u muraaraday dowladda cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cumar ayaa ku eedeeyay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo aanay weli la imaan wax isbedel ah, isla markaana ay heyso jidkii dowladdii hore ee Xasan Sheekh sida uu yiri.

Puntland ayaa ka carootay Lacagaha ay u qoondeeyeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, wuxuuna sheegay inaysan suuragal ahayn in Puntland lala simo oo isku qoonde laga dhigo maamulada yaryar ee dalka.

“Dowladda Federaalka waxaan leeyahay suuragal maaha inaaan la dhaqaale noqonno maamullada naga da’da yar, naga dhulka yar oo aan lagu qixin, waa nasiibdarro waxaan horey u iri dowladda Farmaajo waxay haysaa wadadii hore ee ay dowladdii horeysay…” ayuu yiri madaxweyne  ku xigeenka Puntland.

Wuu sii hadlay oo wuxuu sheegay inaan dhaqaalaha loogu dhiibin Koonfurta iyo bartamaha oo kaliya oo ay leedahay umadda oo dhan. “Waxaan ka warhayaa in la yiri Somaliland waxaa la siiyey 200 kun, Puntland waxaa la siiyey 150 kun, waxaan u arkaa in waxaasi ay cadaalad darro yihiin..” ayuu saxaafadda u sheegay Eng. Camey

Puntland ayaa hore u taageertay dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaa muuqata inay dhammaatay waqtigii soo dhoweynta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON