Friday, August 1, 2025

Farriintii ugu horeysay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur: “Cadaaladda ayaa guuleystay…”

Daqiiqado kadib markii maxkamadda Gobolka Banaadir ay xoriyadiisa u celisay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xoriydiisa uu helay ayuu farriin soo dhigay baraha Bulshada.

Siyaasiga ayaa sheegay inay cadaaladii guuleystay, taasoo ahayd farriin uu xalay soo dhigay oo uu mar labaad ku celiyay erayadaan: “Cadaaladda ayaa guuleysatay. Cadaalad daradda ayaa guul dareystay. Umadda Soomaaliyeed, mahadsanidiin, mahadsanidiin..”

Farriinta C/raxmaan C/shakuur ayaa ka danbeysay markii maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay inaan wax dembi ah lagu helin, isla markaana xeer ilaalintana ay ku guul darreysatay inay caddeymo keento, iyadoo markii hore aan lagu soo qaban amar maxkamadeed.

Siyaasigan oo hormud u ah koox ku kacsan madaxda sare ee dowladda ayaa lagu wadaa inuu halkiisii ka sii wado ololaha ka dhanka ah hoggaanka dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON