Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kula kulmay madax Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe, Salaadiin kasoo jeeda Beesha Majeerteen ONLF iyo madax kale ayna ka wadahadleen sidii looga hortegi lahaa qorshaha ay Itoobiya iyo Madaxweyne Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Isagoo ka hadlayey magaalada Hargeysa ayuu sheegay Feysal Cali Waraabe imn Farmaajo uu dekadihii dalka Soomaaliya siiyey Itoobiya si ay isaga u taageeraan, isla amrkaana wuxuu ku eedeeyay Abiy Ahmed-ka Itoobiya Farmaajo iyo Mareykanka inay isla wadaan qorshaha Soomaaliya lagu qabsanayo.
“Waxaan u tegay Nairobi laba arrimood, mid waxay ahayd beesha caalamka oo naga niyad jabtay inaan ku qanciyo inay rajo jirto Somaliland.. waxaan kaloo nasiib wanaag la kulmay qoladii ONLF, salaadiin Majeerteen ah, Axmed Madoobe, waxaan ka tashanay si Soomaaliya iyo Somaliland loo abdbaadimn lahaa, sidii looga hortegi lahaa qorshaha ay wadaan safiirka Mareykanka, Farmaajo iyo Itoobiya ee la doonayo in Soomaalida oo dhan ay Itoobiya qabsato… Farmaajana sidii Maxamed Siyaad Barre ayuu leeyahay waxaad rabo qaado ee i caawiya.. isku feker ayaan noqonay sidii looga hortegi lahaa..” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
“Farmaajo wuxuuu shalay ninka la yiraahdo Balal oo ina Adeerkiis ah u magacaabey in Badda la siiyo Itoobiya.. Baddeenii waxaa ka talinaya..” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo intaas ku daray in Soomaali oo dhan ay dowlad la’aan ah, ayna meel xun mareyso xaaladda, balse jaanis siinayaan odayaashaasi Soomaalida ah.