Sunday, July 13, 2025

Fiisooyinkii ugu horeeyay ee Xujeyda Soomaalida oo soo baxay & Duulimaayadii Xajka oo bilaabanaya [Dhageyso]

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilaaban doonaan duulimaadyada Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay war ay soo saartay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay billaaban doonaan socdaalka Xujeyda Soomaaliyeed ku aadayaan Magaalada Barakeysan ee Maka Almukarama. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftam siina haya xilka wasiirka C/xakiin Xasan Ibraahim (Ashkir) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa shaaciyey in Arrimhii Xajka lagu guuleystay oo aysan jirin wax caqabad ah.

Wuxuu caddeeyay in Shirkadihii ka shaqeynayey Arrimaha Xajka la gaarsiiyey ilaa 5 Shirkadood, iyadoo la bilaabay bixinta dal ku galka Sacuuciga ama (Visa) ee xujeyda Soomaaliyeed. Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in sanadkan shirkadaha  la saaray masuuliyad dheeri ah, Xukuumadduna ay kormeeri doonto .

“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo,  kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan, wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kalsooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan,  laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri  sii hayaha Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan.

Xajka sanadkan ayaa muran weyn hareeyay kadib markii ay xukuumadda isku dayday inay wax ka bedesho qaabkii xajka loo aadi jiray iyo qiimaha laga qaado xajeyda, waxaana dagaal dheer oo dhex maray dowladda iyo Shirkadda Jubba ugu danbeyn ay guushii raacday dowladda Soomaaliya.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON