Wararka laga helayo Koonfurt Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu Qarax Miino uu haleelay Gaari BL ay oo marayay degaanada Koonfura Mudug oo ay dhowan ku dagaalameen ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Alshabaab.
Gaariga oo ahaa nooca Homey ayaa dardaray Miino la sheegay inay dhulka geliyeen Alshabaab, xilli uu marayey inta u dhaxeysa degaannada Qeycad iyo Bacaadweyne, waxaana ku dhintay dadkii la socday.
Wararka ayaa sheegaya inay Gaariga la socdeen 2 qof, ayna ku geeriyoodeen, waxaana halkaasi gaaray dadka degaanka oo sheegay in gaarigii uu ku bas beelay qaraxa.
Xaaladda degaanka Koonurta Mudug ayaa ah mid weli kacsan, markii dagaal culus uu toddobaadkan ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada dowladda.
