Wednesday, July 2, 2025

Gaari Miino lagu qarxiyey duleedka Balcad iyo Alshabaab oo weerar ku qaaday Kolonyo AMISOM

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Qarax miino oo haleelay gaari xamuul uu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa ka dhacay saakay ka dhacay duleedka degmada Balcad, agagaarka degaanka Haanta Sheekh  iyadoo miino dhulka lagu aasay ay qabsaday Gaari nooca DAINA ah, kaasoo la sheegay inuu ka tegay degmada Balcad kuna sii jeeday Jowhar.

Darawalkii Gaarigan ayaa la sheegay inuu Qaraxa ku dhintay darawalkii Gaariga, iyadoo uu ku dhaawacmay kaarigii la socday. Darawalka ayaa magaciisa lagu sheegay Bishaar, waxaana meydiisa dib loogu soo celiyay degmada Balcad.

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in koox ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaaday kolonyo ka tirsan AMISOM oo marayey duleedka degaanka gololeey ee degmada Balcad.

Rasaas culus ayaa la sheegay inay labada dhinac is weydaarsadeen, kadib jidgooyo ay Alshabaab u dhigtay Kolonyada AMISOM oo markii hore Qarax Miino lala eegtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON