Tuesday, July 1, 2025

Gaari sida Bambooyinka Qarxa oo lagu qabtay Magaalada Baydhaba

Ciidamada Amniga maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo  ayaa sheegay inay qabteen gaari siday Bambooyin iyo waxyaabaha qaraxa oo la doonayey in lasoo geliyo magaalada Baydhaba.

Wararka aya sheegay in Gaarigan uu ka yimid deegaanka Raama-caddey ee duleedka Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamadu ku qabteen Koontaroolka laga galo Magaalada Baydhaba, waxaana baaris ku sameeyay ciidamaada oo ka helay Bambooyinka gacanta.

Wasiirka Amniga K/Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu hayo, iyadoo baaritaan lagu wado Gaariga iyo dadkii watay.

Magaalada Baydhabo ayaa isu diyaarineysa doorasho muran badan ka taagan yahay oo muddo saddex jeer ah dib loo dhigay, taasoo hadda lagu wado inay 19-ka Bisha Disembar dhacdo .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON