XOG: Maxaa loo joojiyey Mooshinkii ay Guddoomiye Mursal ka wadeen xildhibaannada taageersan Madaxweynaha..?

Xildhibaannada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir degdeg ahaa oo ay isugu yimaadeen saacado kadib markii la qabtay Mooshinka Madaxweynaha waxay saxiixeen mooshin kale oo ah xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ad

Shir uu guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, kana dhacay Villa Hargeysa ayaa mid degdeg ah oo looga fal celinayey mooshinka lama filaanka ku noqday madaxweyne Farmaajo, waxaana mid ka mida qodobadii ugu weynaa ee loo diyaariyey in laga hortago uu ahaa mooshin laga keeno guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh oo inuu xilka qabto ay ku taageeraan madaxda dowladda, markii ay xilka ka tuureen guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in mooshinka xil ka qaadista Guddoomiye Mursal ay saxiixeen xildhibaano ku dhow 100 oo u badan wasiirada xukuumadda ka tirsan, laakiin waxaa markii danbe soo farageliyey madaxweyne Farmaajo kasoo dalbaday in la hakiyo mooshinkaasi oo aanu xilligan habooneyn, waxaana bedelkeed isla habeenkaasi saxaafadda la hadlay Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka oo sheegay inaan mooshin siyaasadeed ama mid madaxweyne la keeni karin Golaha.

Mooshinka ka dhanka ah Mursal ayaa markii dambe loo bedelay qaab kale oo ah Qaraar, inkastoo aan weli la isku afgaran qaabka loo wajihi doono arrinta guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

128,004FansLike
1,146FollowersFollow
3,344FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!