Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa fiidkii dhacay agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay Miinada baabuurta lagu xiro, waxaana gaariga la beegsaday la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda ee NISA.
Lama sheegin qasaare ka dhashay qaraxa marka laga reebo gaariga lagu xiray oo waxyeelo weyn ka soo gaaray, kaasoo ahaa nooca ee loo yaqaan Premier.
Ciidamada Saldhiga Waaber ayaa xiray Wadooyinka qaraxa ka dhacay, waxayna baaritaan ka sameeyeen goobtaasim iyadoo aanay jirin cid loo qabtay.
Goobjooge.com