Tuesday, June 24, 2025

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka oo tageertay olole ay wado Ilhaan Cumar [Akhriso]

Gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa u hiilisay haweeneyda kasoo jeeda Soomaaliya ee ka mid noqotay mudanayaasha Aqalka Koongareeska Mareykanka ee Ilhaan Cumar.

Arrintan ayaa salka ku heysa wax ka bedel lagu sameynayo  sharci muddo aad u dheer u yallay Aqalka wakiillada dalka Mareykanka oo ah inaan madaxa lagu daboolan karin gudaha aqalkaas marka ay shirayaan.

Ilhaan Cumar, oo dhowaan noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo xijaab xirata ama madaxeeda daboosha oo loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka ayaa wada olole uu wado xisbigeeda dimuqraaddiga oo ay ku doonayaan in wax looga beddelo xeerkan oo lagu soo dhaqmayey muddo 181 sano ah.

Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubabka kale.

Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska.

“Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbadelka lagu sameynayo.. arrintan  ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado ” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka ee Ivanka Trump ayaa taageertay arrinta isbedelka ay dooneyso Ilhaan Cumar, waxayna qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbadel sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareska”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON