Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Muqdisho lagu dilay gabar yar oo 9 sano jir ah oo ka tirsan oo dhigata Dugsiga Hoyga Xamar ee Hamar Boarding School.
Is-rasaaseynta ayaa ka dhcay ayaa galabta ka dhacday agagaarka isgoyska Digfeer ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, halkaasoo uu marayey Bas siday ardayda Dugsiga Hamar Boarding School., waxayna dhex maray ciidamo ilaalo u ah Jeneraal ka tirsan ciidamada Milateriga oo lagu magacaabo Jen. Sheegow Axmed Cali iyo ciidamo oo watay gaari.
Rasaasta ayaa haleeshay gabadha yar oo magaceeda lagu sheegay Deeqa Daahir Cali oo ahayd 9 jir ku jirta fasalka koowaad, waxaana markii ay u geeriyooday rasaasta, sida uu sheegay darwalka Baska ardayda rasaasta ayaa ka timid dhinaca ilaalada Jeneraal Sheegow.
Xilliga rasaastu dhacday ayaa la sheegay inay wadaddu ahayd mid ciriiri ah, iyadoo rasaasta dhacday uu Jen. Sheegow sheegay inay ku soo rideen maleeshiyo dhar cad oo isaga weerar ku ahayd, wuxuuna beeniyay in ilaaladiisa ay ka dambeysay dilka gabadha yar ee ardayada ahayd.